Kooxaha Mucaaradka Suuriya oo Kaabiga Ku Haaya magaalada DImishiq.

Dec 7, 2024

Xoogaga kacdoon wadayaasha wadanka Suriya ayaa ku dhawaaqay in ciidankooda ay dhowr jiho kaga sii siqayaan magaalada Dimishiq ee caasimada wadanka Suuriya.

“Ciidamadeenu waxay galeen magaalada Al-Sanamayn ee waqooyiga ka xigta Darca oo wax ka yar 20 KM u jirta caasimada Dimishiq” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska ciidanka ee Radcul Cudwaan.

Sidookale xoogaga mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in ay ciidankooda ay howlgal gaar ah ka fuliyen magaalada Ximis waxaana lagu yiri bayaan kasoo baxay: Ciidamadeena gaarka ah ayey u suurtagashay in ay hawlgal xoogan oo gaar ah ay ka fuliyaan gudaha magaalada Ximis”.