“8 Shirkadood oo isgaarsiineed iyo tobanaan wadan ayey saameysay jabsi xaga Internet-ka oo ay sameeyeen kooxo kasoo jeeda dalka Shiinaha” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyka Al-Sharqul Awsat.
Sida ugu horeyntii ay majaladu sheegtay iyadoo soo xiganeysa Aqlka cad, kooxo sameeya jabsiga xaga Internet-ka ayaa u dhacay kubiitarada shirkado ka shaqeeya xaga isgaarsiinta, iyagoona kala baxay xogo muhiim u ah shirikaatkaas laga leeyahay gudaha dalka Mareykanka.
Ku-xigeenka la-taliyaha Amniga Mareykanka oo warbaabinta la hadashay ayaa dhanka kale xaqiijisay in hackareska ay u dheceen talaafano ay leeyihiin shaqsiyaad masuuliyiin ah oo dowladda ka tirsan, iygaoona akhristay xogo muhiim ah.
Xukuumada Washinton ayaa la daala dheceysa falalkan oo kale, waxayna sanad walba dharbaaxooyin adag oo oo xaga Internet-ka kala kulantaa xukuumada loolanku uu kala dhexeeyo ee Tehran iyo Beijing.
FAAFREEB PRO