Khubaro American ah oo Saadaaliyay in ay si Fudud ku Burburi Doonto kooxda Riddada Soomaaliya Haddii Mareykanku uu Xiro Safaaraddiisa Muqdisho.

Jun 1, 2025

Xilli mas’uuliyiin saliibiyiin ah oo katirsan maamulka Donald Trump ay qorshanayaan in ay aad udhimaan joogitaankooda siyaasadeed iyo midka amni ee Soomaaliya ayay arrinkaas digniino ka bixinayaan falanqeeyaal American ah.

Wargeyska Washington Post ayaa faafiyay warbixin uu diiradda ku saaray natiijada ka dhalan karta haddii Mareykanku uu albaabada isugu laabo safaaraddiisa kutaal xerada Xalane ee magaalada Muqdisho islamarkaana uu labaxo saraakiishiisa iyo jawasiistiisa qeybta ka ah duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday Soomaaliya.

Warbixinta oo soo xiganaysa caddeymo ay bixinayaan khubaro amni iyo falanqeeyaal ayaa ka digaysa in haddii Mareykanku uu ka dhabeeyo damaciisa ah in uu ciidankiisa iyo diblumaasiyiinta kalabaxo Soomaaliya ay waqiimi doonTo ama ay burburi doonto xukuumadda taakta daran ee shisheeyuhu ku ilaaliyaan xarumo kuyaal Muqdisho .

Washington Post waxay tusaale usoo qaadatay is fidintii ay sameeyeen dagaalyahanada mujaahidiinta Al Shabaab afartii bilood ee lasoo dhaafay ay banaanka soo dhigeen daciifnimada maleeshiyaadka murtadiinta iyadoona jihaadiyiintu ay hadda kulaalayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Hakinta maaliyadeed ee Mareykanku uu hadda ka sameeyay Soomaaliya waxay dhalisay dul-duleellno amni oo jihaadiyiinta Al Shabaab ay sedaxdii bilood ee u dambeeyay qabsaday degmooyin iyo deegaanno muhiim ah kuwaas oo kaabiga ku haya Muqdisho”ayaa lagu yiri warbixinta.

Wargeyskan caanka ka ah gudaha Mareykanka wuxuu qiray in mujaahidiinta Al Shabaab ay hadda maamulaan sedax meelood meel dhulka Soomaaliya islamarkaana ay kusii xididaysanayaan dalka.

Warbixinta ayaa lagusoo gunaanaday in Mareykanku uu muddo rubac qarni ah ku fashilmay in uu dalkan ka dhiso dowlad adag oo faafisa dhaqan gaaleedka dimuquraadiyadda taas bedelkeedna maamullada shisheeyaha taabacsan ee dalka ka jira ay yihiin kuwa aad uliita halka Argagaxisada oo ay ula jeedaan mujaahidiinta Al Shabaab ay sii xoogeysanayaan ayna helayaan taageerada shacabka.