Khilaafka u dhexeeya kooxda Ridada Soomaaliya iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland e uu haggaamiyo Axmed Madoobe ayaa weli ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Baled Xaawo.
Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo muujinaya in xaaladda gobolkaasi aysan deganayn.
Kooxda Ridada oo todobaad ka hor dagaal kula wareegtay degmada Baled Xaawo, ayaa ka cabsi qabta in maamulka Jubbaland uu markale dib ula wareego degmada, taasoo cabsi galisay dadka deegaanka.
Sidoo kale, ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in la xirayo xuduudda gobolka Gedo uu la wadaago dhulka ay dawlada Saliibiyada ah ee Kenya gumaysato, gaar ahaan gobolka Mandheera.
Go’aankan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo cabsi laga qabo in qalalaaso ka dilaacco xuduudda, taasoo saameyn karta amniga labada maleeshiyo.
Degmada Baled Xaawo iyo Garbahaaray ayaa ah meelaha sida garka ah looga cabsi qabo in ay ka dhacaan iska hor imaadyo u dhexeeya labada dhinac.
Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa la sheegay inay doonayso inay gobolka Gedo inay gobolka Gedo ka hirgeliso maamul goboleed cusub, arintaas oo siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen mid aan dagaal lagu gaari karin, taasi badalkeeda ay tahay in xukuumada Xasan Gurguurte ay wadahadal la gashi maamulka dabadhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.
Si kasteba ha ahaatee, lama ogo halka uu ku biyo shuban doono khilaafka u dhexeeya labadan maamul, iyadoo la filan karo in mar kasta uu iska hor imaad ka dhex qarxi karo.
FAAFREEB PRO