Khubaro Ka Faallooda arimaha ammaanka ayaa Sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii Xoogeysaneyso kana faa’ideysanayso khilaafaadka u dhexeeya kooxda ridada iyo gaalada duulaanka ku joogta wadanka.
Warbixin uu daabacay mac-hadka arimaha difaaca ee Afrika ee magacisiisa loo soo gaabiyo ADF, ayaa lagu sheegay in awoodda Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xooganeyso marba marka ka dambeysa, ayna ka faa’ideysaneyso isku dhecyada iyo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada iyagoo u jeedkoodu uu yahay inaaney Soomaaliya ka hirgelin awood Islaami ah oo dadka ku hogaamiso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Selam Tadese oo ah oo falanaqeeye amni oo ka howlgala machadka diraasaatka amniga ee ISS, ayaa aaminsan in khilaafka waayadii u dambeysay ka dhexeeyay Itoobiya iyo kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho uu fursad u yahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu sheegay iney ka xoog badantahay sidii hore dadkuna wada ogyihiin.
Isagoo la hadlayay xarun warbaahineed oo tabisa wararka Qaramada Midoobay laguna magacaabo Pass Plue, ayuu khabiirkan dhanka kale sheegay inuu yaraaday dagaalkii ka dhanka ahaa Mujaahidiinta bariga Afrika, “taasina ay fursad u siisay Al-Shabaab iney awoodeeda kor u qaado, waana sida aan hadda arkeyno” ayuu yiri Selam Tadese.
Sida ay warbixinta ADF tilmaameyso iyadoo soo xiganeyso khubaro kale oo amni, ciidanka ridada ayaanan awoodin ka hortaga weerarada ka imaanaya dhanka XSHM, haddii ay ciidamada kufaarta Afrikaanta ay dalka isaga huleelaana harcad la feenan doono dhamaan askarta Gurguurte.
Dhacdooyinka ay cadeymo ahaan usoo qaadaneyso warbixinta waxaa kamid ah, weerarkii duqeynta ahaa ee bishii November ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku garaaceen xarunta Xalane, oo ah taliska ugu weyn ee Soomaaliya ku leeyihiin gaalada, halkaas oo cadwga lagu gaarsiiyey khasaara xoogan.
Waxay sidoo kale warbixintu soo qaadaneysaa camaliyad Istish-haadiyo ah oo October ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taasoo gallaafatay nolosha askar iyo saraakiil katirsan xukuumada Villa Soomaaliya.
Gunaanudkii waxaa qoraalka Mac-hadka ADF lagu soo hadal qaaday hubanti la’aanta ka taagan duullaanka cusub ee ay gaaladu doonayaan iney dalkan kusoo qaadaan sanadka 2025, kaas oo ay hadda ka harsantahay maalmo kooban hadana weli ma cada qorshaha duullaankaas, lamana hayo maalgelin rasmi ah.