Si lama filaan ah ayay dowladda Aala-Sacuud u qaadday tallaabo melleteri iyo mid siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.
Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka taxaalufka Carabta ee Sacuudigu hoggaamiyo ay weeraro culus ka geysteen dekadda magaalada Almukalla ee wadanka Yemen halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad daacad u ah dowladda Riddada Imaaraatka Carabta.
Turki Almaaliki oo ah afhayeenka ciidanka Sacuudiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay beegsadeen 2 Markab oo Imaaraatku leeyahay xilli ay saanado hub ah iyo gaadiid gaashaaman kasoo daabuleen dekadda magaalada Alfujeyrah ee wadanka isku tagga Imaaraatka Carabta.
Aala Sacuud ayaa ku eedeeyay naaquudayaasha Maraakiibta ay beegsadeen in ay demiyeen aaladaha isgaarsiinta ee lagula socdo dhaq-dhaqaaqyada maraakiibta si ay hub fara badan usoo geliyaan dalka Yemen.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac ka baxaya dekadda magaalada Mukalla waxaana gubtay tobaneeyo gaadiid gaashaaman ah iyo keydad rasaas ah.
Saacado kadib xukuumadda dabadhilifka Yemen ee taabacsan Aala-Sacuud ayaa soo saartay go’aan ay ku amrayso in ciidamada Imaaraatka Carabta uga baxaan Yemen muddo 24 saac gudahood ah.
Rashaad Alcaliimi oo ah madaxweynaha Yemen ee aqoonsiga caalamiga ah heysta ayaa Imaaraadka ku eedeeyay taageeridda maleeshiyaad gooni-ugoosad ah isla markaana uu halis ku yahay midnimada Jamhuuriyadda Yemen.
Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Aala-Sacuud ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Imaaraatka Carabta ay halis amni ka waddo mandiqadda gaar ahaan dalka Yemen.
Dhacdooyinkan ayaa bar-bilaaw u ah isku-dhac hubaysan oo dhaxmari doono xukuumadaha Riddada Aala Sacuud iyo Imaaraatka Carabta kuwaas oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay xasuuq ka geysanayay dalka Yemen.