Khilaaf xoogan oo kusaabsan in ciidanka Xabashida lagu daro howlgalka cusub ee kufaarta Afrikaanta ayaa soo kala dhexgalay madaxda ugu sarreeysa dowlada riddada Soomaaliya
Warar kala duwan oo is khilaafsan ayaa kasoo baxaya mas’uuliyiin katirsan kooxda Riddada Soomaaliya kaddib markii lameel mariyay xeer lagu beddelayo ciidamada ATMIS oo lagu wareejinayo ciidamada cusub ee isbahaysiga EE Yuu ES ES SOM (AUSSOM) .
Xeer gaaleedkan oo ay ansixiyeen waxaya loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS si rasmi ah loogu beddelo EE Yuu ES ES SOM laga bilaabo bisha Janaayo 2025.
Safiirka kooxda riddada Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin ciidamada cusub ee AUSSOM, isagoo tilmaamay in arrintani ay ku saleysan tahay heshiisyo cusub. Balse saacado kadib madaxa waxa loogu yeero Golaha Amniga Qaranka Riddada ninka lagu magacaabo Xuseen Macallin oo malmo ka hor tagay dalka itoobiya ayaa bartiisa Twitterka ama Ekis ku sheegay in aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrinta ciidanka itoobiya ayna suurtagal tahay in ay kamid noqdaan ciidamada cusub.
Waxa sidoo kale bartiisa Ekis isna ku bogaadiyay hadalkii ninka safiirka UN-ka ujooga dowlada riddada wasiirka arrimaha dibada ninka lagu magacaabo axmed Fiqi oo isna malmo ka hor safar ku joogay dalka Masar.
Waxaa la sheegayaa in wararkan is khilaafsan ee kasoo yeeraya madaxda kooxda Riddada soomaaliya uu salka ku hayo khilaaf guud oo soo kala dhexgalay hoggaanka kooxda kaasi oo ku aaddan sida loo wajahayo kiiska Itoobiya waxayna dhinacyadan lakala safanyihiin Masar,Itoobiya,Turkiga iyo Ereteriya, waxaa larumeysanyahay in haysadkan hadda banaanka usoo baxay uu sababo in mas’uuliyiinta qaar xilka qaadis lagu sameeyo.
Mas’uuliyiinta ugu sarraysay murtadiinta ayaa aaminsan in ciidamada Itoobiya la’aantood aysan isbuucna sii jiri karin waxayna dadaal ugu jiraan in Itoobiyaanka lagusii haayo soomaaliya.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dhinacyo ka tirsan kooxda oo ay ka mid yihiin Ninka lagu magcaabo xuseen Macallin iyo wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha ninka lagu magacaabo Cali Balcad ay taageerayaan in Itoobiya qeyb ka noqoto ciidamada cusub ee afrikaanta halka kuwa kale ay diidanyihiin waxaana kamid ah Axmed Macallin Fiqi oo ladhacsan siyaasadaha Masar iyo Ereteriya.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo isbuucii hore ciidamada itoobiya ay maleeshiyaad badan oo katirsan kooxda riddada ay ku dileen degmada Dooloow ee gobolka Gedo halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.