Khatar Kusoo Fool leh Suudaan oo Laga Digayo Kadib Guushii Militariga ee Khurtuum.

Mar 25, 2025

Wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee Financial Times ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo guulihii ay gaareen ciidanka militariga Suudaan iyo dharbaaxooyinka ay u gesteen RSF, balse dhanka kale waxaa jira ayey jariiradu leedahay haliso amni oo laga baqayo kuwaas oo xaalad kale lugaha u galiya wadankan.

Arinka Koowaad ee laga dardaar warinayo waa awooda ay dacmu sariic ku leedahay gobolka Daarfuur, iyagoo halkan ku sameyn kara kabasho balaaran si ay dib ugu soo qaadaan weeraro lixaad leh oo ay markale kula wareegaan caasimada Khurtuum, waana sida uu sheegayo Suleymaan Baldo oo ah khabiir ka shaqeeya xallinta khilaafaadka dhanka kalana maamula xarunta daah-furnaanta iyo siyaasadda ee Suudaan oo ah madal cilmi-baaris.

Khatarta kale waa in RSF ciidankeeda ay buux dhaafiyeen dhulka saxaraha ee ku yaalla Waqooyiga Darfur, iyagoo jaray khadkii saadka ee ciiddanka militariga, waana talaabo kale oo wadata halisteeda.

Arrimahan iyo kuwa kale ayaa la sheegay iney Suudaan ku furi doonaan albaab kale oo colaad walow Al-Burhaan iyo ciidankiisu ay hadda ku dangiigsanyihiin guul militari midii ugu weyneyd tan iyo markii uu bilowday dagaalka 15 April 2023

FAAFREEB PRO