Khasaare xooggan oo ka dhashay duufaan ku dhufatay Jaziiradda Mayotte .

Dec 16, 2024
Dad fara badan ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii duufaan xooggani ay Sabtidii ku dhufatay xeebaha badweynta Hindiya, gaar ahaan jasiiradda Mayotte oo uu maamulo Faransiisku.
Dabayllahan oo cabbirkoodu ka sarreeyay 220 KM saacaddii, jarayana 136 Mayl saacaddiiba ayaa ku dhuftay Jaziiradda Mayotte sida ay sheegtay Meteo-France oo ah wakaaladda cimilada Faransiiska.
Wakaaladda Cimilada Faransiiska ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in duufaantani ay tahay tii ugu xoogganayd muddo 90 sano ah, ee ku dhufata jasiiradaha caalamka.
Duufaantan oo loogu magac-daray Chido ayaa baabi’isay xaafado, hoteello, cisbitaallo iyo dugsiyada waxbarashada, waxaanay waxyeellaysay taawarka laga hago garoonka diyaaradaha.
Ugu yaraan 11 qof ayuu Faransiisku xaqiijiyay in ay dhinteen, balse tirada dhabta ah ee dhimashada ayaa la filayaa in ay intaas ka badato.
Saraakiisha maxalliga ah ay saadaaliyey in tirada dhibanayaashu ay noqon karaan boqollaal ama xitaa kumanaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Mas’uuliyiin la waraystay ayaa sheegay in burburka ugu xooggani uu gaaray xaafado ka kooban cooshado bir ah iyo dhismayaal aan rasmi ahayn.
Burburka duufaanta ayaa la sheegayaa inay xireen waddooyinka, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in saddex meelood laba meel jasiiradda aan la gaari karin.
In ka badan 36 saacadood ayay gabi ahaanba khadka ka maqnayd Jaziiradda Mayotte, sida laga soo xigtay Shabakadda NetBlocks.
Mayotte waa Jaziirad qayb ka ah jaziiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika. Waxaa ku nool dad gaaraya 300,000 oo qof oo u badan Muslimiin, caasimaddooduna waa Mamawdsaw.
Tan iyo 1975-kii waxaa si toosa u haystay oo u maamulayay Faransiiska, wixii ka dambeeyey 2009-kana isla Faransiiska ayay ugu jirtaa gumaysi dadban.