Iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in saaka uu ka dhacay miyiga deggaanka Kala-bayr oo ka tirsan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee dalka Soomaaliya.
Sida ay xogtu tilmaamayso dagaalkan oo dhex-maray laba malayshiyo-beeleed ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawac saddex kale, sida ay goob-joogayaal u sheegeen warbaahinta maxalliga ah.
Isku dhaca labadan beelood ee walaalaha ah ayay wararku tibaaxayaan in uu salka ku hayo Ceel biyood cusub oo la rabay in halkaas laga hir-geliyo, kaas oo la isku afgaran waayay goobtii loo asteeyey in laga qodo.
Jidadka halbowlaha ah ee soo gala magaalada Boosaaso, ayaa saacado badan xannibnaa, iyadoo maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland ee gacanta ku haya deggaannadaasi aanu wax gurmad ah u fidin dadka walaalaha ah ee dhiig-baxaya.
Gacmo shisheeye ayaa inta badan ku lug leh dagaallada ka dhex-qarxa beellaha walaalaha ah, iyadoo la ogyahay in hurinta dagaalladaasi ay qayb libaax ka qaataan maamullada riddada ah oo u taagan fulinta danaha shisheeye.