Khasaaraha Weeraradii Yahuudu Maanta ka Geysteen Qaza oo sii Kordhaya.

Jul 19, 2025

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee shacabka muslimiinta reer Falastiin kasoo gaaray weerarro culus oo ay ciidamada gumaystaha Yahuudu ka fuliyeen qaybo badan oo ka mid ah Marinka Qaza.

Wararka ka imaanaya isbitaallada Qaza ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 104 Falastiiniyiin ah ay maanta ku shahiideen rasaasta iyo duqeymaha ciidamada Yahuuda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 37 qof oo sugayey kaalmo bini’aadantinimo.

Tan iyo bishii Maarso 2025, kadib burburinta heshiiskii xabbad-joojinta markii ay Yahuudu dib u billowday weerarrada, waxaa shahiiday in ka badan 7,800 Falastiiniyiin, halka uu dhaaawacu gaarayo ku dhowaad 28,000 qof.

FAAFREEB PRO