Kenya oo Qiratay in Askar Looga Dilay Gaarisa

Mar 25, 2025

War kasoo baxay taliska Booliska Kenya ayaa looga hadlay weerar maalin ka hor Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobalka Gaarisa halkaasi khasaaro xooggan lagu gaarsiiyey ciidamada Kenya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Kenya “Meekal Keey Masheeri”ayaa sheegay in ciidan ka tirsan Mujaahidiinta ay soo weerareen subixii Isniinta xero ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Biyo Madoobe oo hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa.

Wuxuu qirtay Afhayeenka ciidanka Booliska Kenya in weerarkaasi looga dilay askari oo Kenyaati ah, halka looga dhaawacay 4 kale.

Wuxuu intaasi raaciyey sarkaalkaan u hadlay dowladda Kenya in ciidanka la laayey ay ka tirsanaayeen ciidanka Keydka ee Booliska, isagoona sheegay in dhammaan agabkii iyo hubkii yiilay xeradaasi ay qaateen ciidamadii Mujaahidiinta ay weerarka soo qaaday.

Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyey howlgalada Mujaahidiinta ee ku sii baahaya deegaanada NFD ee Kenya gumeysato.

Shalay ayey ahayd markii weerar ay Mujaahidiinta ka fuliyeen deegaanka Hareeri Suuki ee hoostaga degmada Ceel-qaaluu ee gobalka Mandheera lagu dilay taliyihii askarta booliska ee deegaankaas, Waxeyna Mujaahidiintu kasoo furteen qori iyo boosh, iyadoona taliyaha la dilay ahaa Murtad Soomaali ah oo deegaankaas taliye Boolis ka ahaa.