Kalluumeysatada Gobolka Bari oo ka Cabanaya Xadgudubyada Maraakiibta Shisheeyaha.

Aug 20, 2025

Bulshada ku nool degaannada kala ah Xaafuun iyo Hurdaaye ee wada dhaca xeebaha gobolka Bari, kana mid ah dadyowga ay nolashoodu ku tiirsan tahay jillaabashada kalluunka, ayaa waxay wajahayaan xaalado nolol xumo, kaddib markii ay shaqadooda ka hor istaageen maraakiib shisheeye oo xadgudubyo iyo xaalufin ba’an ka gaysanaya biyaha Soomaaliya.

Waxay kalluumeysatadu ka dhawaajiyeen in xaaladani ku suganyihiin muddo saddex bilood ah, muddadaas oo aysan gelin biyaha badda, sababo la xiriira maraakiibta shisheeye ee jariifka ka wada biyaha badda, waxa ay sidoo kale sheegeen in maraakiibtu rassaas kusoo rideen kalluumeysatada Soomaliyeed ee xeebahooda quudka ka raadsada.

Maxamuud Keyse Maxamuud waa mid ka mid ah kalluumeystada ka jillaabta xeebaha deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari, wuxuu warbaahinta deegaanka u sheegay inay dhibbane u yihiin maraakiibta shisheeye, kuwaas oo uu xusay inay kasoo saareen badda, kana hor istaageen inay nolol maalmeedkooda ka dhacsadaan xeebaha, waxay taasi keentay buu yiri inay waayaan waxyaabihii ay nolashooda ku maareynayeen xilliganina ku suganyihiin xaalad nolol xumo oo aad u daran, shabaagta ay dhigtaan xeebaha ayuu sheegay inay ka qaataan maraakiibta.

Waxay tani qayb ka tahay dhibaatada joogtada ah ee ay la noolyihiin dadka Soomaaliyeed ee halganka ugu jira sidii ay nolal maalmeed uga soo dhacsan lahaayeen biyaha badda, halkaas oo ay ka buuxaan khayraadka rabbaaniga ah ee uu Allaah ku manneystay umadda muslimka ah, balse waxa hortaagan oo nolasha u diidan dadkaasi waa doomo iyo maraakiib shisheeye oo shatiyo ka haysta maamullada Riddada ah ee ay saliibiyiintu waddanka ka dhisteen, kuwaas oo kula heshiiyay boobka iyo xaalufinta khayraadka dhex ceegaaga biyaha badda.