Kadib Qaabilaadda Sarkaalka Suudaan, Imaaraadka oo Wefti Deg-deg ah Usoo Dirtay Muqdisho.

Aug 28, 2025

Agaasimaha sirdoonka riddada ee dalka Suudaan Janaraal Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, oo talaadadii lasoo dhaafay safar ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulamo fool-ka-fool ah la yeeshay madaxa kooxda riddada Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, agaasimaha jawaasiista Nisa Mahad Maxamed Salaad iyo weliba xubno kale.

Inkastoo Villa Soomaaliya, ay sheegtay in sarkaalkani uu u yimid fariin ku saabsan xiriirka labada dhinac oo uu ka siday hoggaamiyaha ciidamada Suudaan, Janaraal Cabdifataax Al-Burhaan, haddana booqashadu waxay timid toddobaadyo ka dib markii maamulka Kharduum uu maamulka riddada Puntland ku eedeeyey inay si dadban uga qayb-qaateen hubeynta maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha Dacmu Sariic ee gacan-saarka la leh dowladda riddada ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Dowladda millateriga ah ee Riddada Suudaan ayaa sheegtay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ay isticmaalaan calooshood u shaqeystayaal Kolombiyaan ah oo uu soo kirtaystay maamulka Abu Dubay, isla markaana laga soo dejiyo hub laga soo raro Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dhammaantood loo daabulo dhinaca waddanka Suudaan, tallaabadaas oo millateriga Suudaan cabasho ka ahaayeen una gudbiyeen Murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay wararku sheegayaan Imaaraadka Carabta ayaa arrintan si weyn uga carooday waxaanu wefti deg-deg ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda murtadka lagu magacaabo Shakhbuud Ibnu Nahyaan, ay usoo dirtay magaalada Muqdisho, kaas oo galabnimadii shalay kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde.

Kulan saacado qaatay oo weftigan Imaaraatiga ah iyo Xasan Sheekh ku yeesheen Villa Somaliya ayaa la sheegay in lagu gorfeeyey xiriirka iskaashi ee labada riddo, balse ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in wada-xaajoodkaasi uu daarranaa arrinta Suudaan oo Imaaraadku uu si toos ah ugu lug leeyahay, isagoo taageero buuxda siiya kooxda fallaagada ah ee Dacmu-Sariic.

Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu haftay siyaasadaha is-diiddan ee uu dhex-muquurtay, waxaanay arrimahani kusoo aadayaan xilli uu sidoo kale loollanka biyaha webiga Niil ee ka dhaxeeyey dowladaha Masar iyo Itoobiya uu u soo raray gudaha dalka Soomaaliya.