Kadib dhicitaankii nidaamkii dhiigya cabdka ahaa ee Bashaar Al-Asad bishii December 2024, Suuriya waxay gashay wejigii ugu cuslaa ee loolan diblomaasiyadeed iyo mid istaraatiji ah oo heer caalami ah.
Dalkaan oo sanado badan la daala dhacayey dagaal sokeeye oo galaaftay waxyaabo badan, waxa uu maanta markale wajahayaa tartan saddex geesood ah oo u dhexeeya Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha, kuwaasoo mid walba uu doonayo inuu xukumo mustaqbalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadankan.
Nidaamka cusub ee Dimishiq ayaana waqti xaadirkan u muuqda mid bartamaha u taagan xaalad cakiran, hareerihiisana ay ka socdaan hardan u dhexeeya Galbeedka iyo Aaasiya.
Maraka la eego dhanka Mareykanka waxay saxiifada iPepper sheegeysaa inuu helay fursad dahabi ah oo uu si toos ah ula macaamilo Suuriya, kadib markii maamulka cusub uu xiriirka u jaray Iran iyo Ruushka.
Washington waxay bilowday inay ka qaaddo cunaqabatayntii saarnaa Suuriya, Trump ayaana sidoo kale fuliyey talaabooyin kale oo loo fasirtay in aqalka cad uu xoojinayo xiriirka danaha kala duwan ku dhisan ee kala dhexeeya wadankan, si fursad aysan u helin dalal kale.
Dhanka kale, Ruushka oo muddo dheer taageere u ahaa nidaamkii hore ee ka jiray Suuriya ayaa u arkaya dhicitaanka Asad khasaare weyn oo istaraatiji ah, gaar ahaan saldhiggiisa badda ee Dhartus.
Si kastaba ha ahaatee Moscow wali ma ahan mid rajo dhigtay ayey warbixintu leedahay, waxay dadaal ugu jirtaa inay sii haysato saameyntii ay halkan ku lahayd xitaa ha noqoto mid dublumaasiyadeed ama kooban.
Shiinaha oo aan qayb ka ahayn loolanka militari balse si firfircoon uga qayb qaatay taageerada dhaqaale ee nidaamkii hore ee Bashaar Al-Asad ayuu wargeyska iPepper sheegayaa, in hadda uu isku dayayo inuu ka faa’iideysto fursadaha maalgelinta ee dib-u-dhiska Suuriya, isagoo doonaya inuu dalkaas ku xiro mashruuca “Belt and Road”.
Gunaanudkii Suuriya maanta ma ahan oo kaliya goob dagaal uu ka socda in muddo ah, balse waa miis ay ku hardamayaan quwado waaweyn, dhaqaala boobka iyo u kala baratamida saameynta joogitaana waa mid marwaliba isku badali karta dagaal iyo in dowladuhu ay ku dhax hardamaan wadankan.
FAAFREEB PRO