Sida uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsat, xukuumada Abu Dubai ayaa sii xoojineysa marba marka ka dambeysa faragalinteeda xiisada Suudaan iyo taageerada balaaran ee ay la garab taaganyihiin ciidanka RSF, waxaana markan lasoo diiwaangaliyey weeraro balaaran oo gilgilay caasimada Khurtuum oo ay militariga Suudaan masuuliyadeeda dhusha ay ka saareen Imaaraatka.
Waxaa lagu waramayaa in subaxnimadii Talaadada ee lasoo dhaafay caasimadda Suudaan ee Khartuum ay gilgileen qaraxyo waaweyn kadib markii diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ay adeegsadeen ciidamada RSF ay weeraro ku qaadeen goobo istiraatiiji ah.
Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa saldhigga ciidamada cirka ee Waadi Saydinaa, warshadda hubka ee Yarmuuk, warshadda sifaynta shidaalka ee al-Jiyli iyo xarunta korontada ee Marikhiyat, weeraradan ayaa sababay burburka adeegyo muhiim ah iyo cabsi weyn oo kusii baahday gudaha magaalada.
Kooxda RSF iyo isbahaysigooda siyaasadeed ee la yiraahdo Ta’sis ayaa sheegtay in weeraradu ay ahaayeen kuwa gaaray hadafkii loogu talagaly ayna jawaab cad u ahaayeen weerarro ay miltariga Suudaan ku qaadeen isbitaallo iyo goobaha rayidka ay adeegsadaan oo ku yaala gobolada Darfur iyo Kordofan.
Weeraradan cusub waxay calaamad u yihiin dib u soo laabashada awoodda drones-ka RSF kadib bilo ay ka caaganaayeen duqeymo waaweyn, dowladda Suudaan waxay eedeynta weerarkan u jeedisay Imaaraatka Carabta oo taageero hub, drones siinayo iyo waxyaabo kalaba siiya RSF.
FAAFREEB PRO