Xilli mudooyinkii lasoo dhaafay uu cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland iyo kooxda Ridada Soomaaliya, ayaa warar soo baxaya sheegayaan in maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe uu doonayo wadahal uu la galo Xasan Gurguurte.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay xiriirka sii xumaanaya ee kala dhexeeya xukuumadda Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena eedeymo culus loogu jeediyay Villa Soomaaliya.
Qoraalka Jubbaland waxaa lagu sheegay in lagama maarmaan tahay in la gaaro wadahadal dhex mara labada dhinac, islamarkaana laga tashto xaaladda guud ee dalka, hadal u muuqday mid walaac looga muujinayo is-ballaarinta awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa eedeymo xooggan loogu jeediyay kooxda Ridada Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay inay ku fashilantay dhismaha maamul mideeya bulshada, halkii looga baahnaa, balse ay ku mashquulsan tahay siyaasad iyo dano gaaban oo aan loo joogin.
Dhinaca kale, maamulka Jubbaland ayaa wajahaya cadaadis kadib markii dhawaan lagala wareegay degmada Baled Xaawo.
Arintan ayaa imaanaysa iyadoo maamulka Mandheera uu dhawaan hanjabaad cad u diray ciidamada Jubbaland ee halkaasi abaabulka ka waday.
Waxaa la rumaysan yahay in arrimahaasi iyo kuwa kale ay sabab u noqdeen in maamulka Kismaayo dalbado heshiis buuxa oo siyaasadeed, balse lama ogo labada dhinac midka ka tanaasuli doonaan mawqifkiisa siyaasadeed.
Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa doonaysaa in maamul cusub oo ka madax banaan Axmed madoobe ay ka dhisto gobolka Gedo, guddoomiyaheeda ugu magacaaban gobolka murtadka lagu magacaabo Cabdullaahi Shimbir oo isaga oo ku sugan Garbahaaray sheegay in degmada uu joogo xarun looga dhigi doono maamul-ka cusub.
FAAFREEB PRO