Jeneraal Sare oo Katirsanaa Ciidanka Xabashida oo Fano ku Biiray.

Dec 4, 2024

Dagaalka ka holcaya wadanka Itoobiya ayaa sababay in ay kala furfurtaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xabashida arrinkaas oo durbadiiba saameeyay hab dhismeedka ciidankaasi.

Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in uu ku fallaagoobay xukuumadda Abiy Axmed isagoona ku biiray kooxaha fallaagada Amxaarada ee loo yaqaan Faano.

Korneyl Abera Azanaw oo kamid ahaa miciya weynta ciidanka Xabashida ayaa goostay wuxuuna ugalay maleeshiyaadka mucaaradka qowmiyadda Amxaarada sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay.

Abera Azanaw wuxuu ahaa madaxii kala furfurka walxaha qarxa ee dowladda Itoobiya, wuxuu si gaar ah uqaabilsanaa in uu haraadiga walxaha qarxa ka nadiifiyo deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Tigray waqooyiga Itoobiya.

Sababta uu ugoostay ayuu ku sheegay in qaab heyb sooc ah loola dhaqmay kadib markii tiro laba jeer ah laxiray islamarkaana lagu tacdiibiyay xabsiyo ay gacanta ku hayaan ciidamada sirdoonka nidaamka Abiy Axmed.

Abera Azanaw ayaa caddeymihiisa ku sheegay in Abiy Axmed uu beegsi gaar ah ku hayo saraakiisha ciidanka ee kasoo jeedo qowmiyadda Amxaarada, ninkan ayaa 6 bilood ka hor laga xiray magaalada Gonder kadibna 3 bilood kadib lasii daayay laakin markale ayay ciidamada sirdoonku kala baxeen gurigiisa wuxuuna sedax bilood oo kale kusoo qaatay xabsi uu Ruushku dhisay kaasi oo lagu magacaabo Aziizoo.

Korneylkan Itoobiyaanka ah ee ku biiray kooxda Faano ayaa reja xumo ka muujiyay in itoobiya dib isugusoo laabato wuxuuna carrabaabay in waxa ka socda ismaamulka Amxaarada ay yihiin isir sifeyn halis ah.

Abera Azanaw ayaa intii aan laxirin ka hor wuxuu kasoo muuqan jiray warbaahinta isagoo kulamo laqaadanaya saraakiil American ah oo ay kawada shaqeynayeen kala furfuridda walxaha qarxa.

Tobanaan Jeneraal oo katirsanaa melleeteriga Itoobiya ayaa sidaan oo kale horay ugu biiray Fano waxaana kamid ahaa Jeneraal Tafara Mamo.

FAAFREEB PRO