Jarmalka oo Muwaadiniintiisa ku Sugan Kenya uga Digay Weerarrada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Oct 16, 2025

Dowlada Jarmalka ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan gudaha kenya iyo kuwa u safraya, iyadoo sheegtay in ay xiligaani jiraan khataro waaweyn oo ay kamid yihiin weeraro ay fulin karaan ciidamada mujaahidiinta.

Bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada xukumada Baarliin ayaa lagu sheegay in dadka Jarmalka looga baahanahay in ay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ka digtonaadaan khtarahaasi.

Goobaha ay xustay ayaa waxaa kamid ah in ay ka fogaadaan sida Hotellada baararka ee ay dadku isugu yimaadaan, suuqyada waaweyn iyo goobaha gaadiidka laga raaco, iyadoo sidoo kale si gaar ah uga digtay in ay u dhawaadaan xuduud beenaadka u dhaxeeya labada dal.

Gobollada Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, iyo West Pokot, ayeey si gaar ah uga digtay wasaarada arimaha dibada Jarmalka in loo safro.

“Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumada Baarliin.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sanadadii lasoo dhaafay sidan oo kale dowladaha saliibiyiinta reer galbeedka ay soo saarayeen digniino isdaba joog ah oo ku socda muwaadiniintooda, kuwaas oo ka cabsi qaba weeraro uga yimaada Xarakada Shabaabul Mujahidiinta.

Tan iyo markii sanadkii 2011 ay xukumada saliibiyada ah ee Nayroobi kusoo biirtay duullanka ashahaado ladirinimo ee lagu soo qaaday Soomaaliya ayeey mujaahidiintu qaadeen silsilado howlgaallo ah oo dadka Keenyaanka ah lagu dareensiinayo in aysan amni heli doonin inta ciidamadooda ay gumaysi ku joogaan taako kamid ah Soomaaliya.

Weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ay lakulantay dowladda Kenya tan iyo markii ay ciidamadeedu ku biireen duullaanka saliibiga ee soomaaliya lagu qaaday waxaa kamid ah weerarkii jaamacadda Gaarisa, Wesgate Mall, Manda Bay iyo weerarkii dhismayaasha isku raranka ah ee 14 Riverside.