Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu joojinayo dhammaan hubka iyo qalabka milatari ee loo dhoofin jiray dhinaca yuhuuda illaa amar dambe.
Go’aankan degdegga ah ayaa yimid ayey saxiifada The Economic Times leedahay saacado kadib markii Golaha Wasiirrada yuhuuda ay ku heshiiyeen qorshe lagu maamulayo guud ahaan Qaza, taas oo ay cambaareeyeen dhinacyo badan.
Barlin oo ka mid ah taageerayaasha ugu weyn yuhuuda gaar ahaan dhinaca qalabka milatari, ayaana markan qaaday talaabo dhabar jab ku noqoneysa xukuumada Natanyaahu, joojinta hubka Jarmalka ayaana lagu tilmaamay mid sii xoojineysa cadaadiska yuhuuda ay kala kulmayaan caalamka, marka laga hadlayo dhanka dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo milatari.
R/Wasaaraha Jarmalka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Israel waxay leedahay xuquuq ay isaga difaacdo weerarrada uga imaanaya dhanka Xamaas, balse waxay kua dkeysaneysaa in qaab qasab ah ay kusoo deyso maxaabiisteeda iyadoo ka dhaga adeegeysa wada xaajoodyo rasmi ah, anaguna mudnaanteena koowaad waa wada xaajood”
Hadalkan ayaana u muuqda in Jarmalka hubkiisa uu joojiyey hadii uusan Natanyaahu dooneyn inuu dagaalka soo afmeero isla markaana uu qaato dhariiqada wada xaajoodka oo ay u arkaan iney tahay tan kaliya ee dib loogu heli karo maxaabiista yuhuuda.
Friedrich Merz ayaana gunaanudkii cadeynaya in hadii Binyamin Natanyaahu uu sidan wax kusii wado ay xaaladu noqon doonto mid sii cakiranta, isla markaana ay adkaan doonto in si sahalan lagu gaaro yoolka ah soo furashada maxaabiista ku jeebesan xabsiyada kooxaha Muqaawamada Filistiin.
Go’aankan ayaa astaan u ah isbeddel weyn oo siyaasadeed oo ku wajahan xiriirka Jarmalka iyo yuhuuda, iyadoo la filayo in dhabaha ay kusoo jiraan wadamo kale oo mari doona isla hanaankan marka laga hadalayo taageeradii ay siin jireen xukuumada isugu yeerta Isreal.
FAAFREEB PRO