Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa bilawgii todobaadkan fuliyey hawl-gallo khasaare badan geystay oo ay ku beegsadeen maleeshiyaadka Burkino Faso.
Dagaalyahannada ayaa weerarro qorshaysan ku ekeeyey saldhigyo ay maleeshiyaadka Burkino Faso ku leeyihiin magaalooyinka Qatshi iyo Boblill oo ka wada tirsan gobolka Tankodgo.
Bayaan ay soo saartay jamaacada Nusratul Islaam ayaa lagu sheegay in weerarradaasi lagu dilay 6 ka mida maleeshiyaadka Burkino Faso.
Weerarkan ayay jamaacadu kusoo furatay 6 qori oo AK47 ah, 15 qasnadood iyo weliba agab kale oo millateri.
Sidoo kale Jamaacada ayaa shalay gabi ahaanba gacanta ku dhigtay saldhigga maleeshiyaadka Burkino Faso ee deggaanka Banni ee gobolka Duuri.
Sidoo kale dagaalyahannada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa si buuxda ula wareegay fadhiisinkii ciidanka Burkina Faso ee deggaanka Kombadqu ee gobolka Fadnqorma.
Bayaan ay Jamaacadan jihaadiga ahi soo saartay maanta oo Isniin ah ayay ku sheegtay in weerarkaasi ay ku dishay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Burkino Faso.
Weerarkan ayay jamaacadu kusoo furatay saanad ciidan oo aad u fara badan. Waxaana ka mida 2 baabuur oo Cabdi Bile ah, 1 baabuur oo qooqan laba-shidhley ah, 8 qori oo Daba-jeex ah, 28 qori oo AK47 ah, 5 qori oo RBG ah, 17 Baalooto oo RBG ah, 15 sanduuq oo Rasaas ah, 30 cajaladood oo PKM ah iyo 230 qasnadood.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin soo bandhigtay maydadka calooshood-u-shaqaystaasha Ruushka ee loo yaqaan Fagner oo dhegta dhiigga loo daray.