Mujaahidiinta Nusratul Islaam oo Faafiyay Tirakoobka Hawlgaladii ay Fuliyeen Biishii Lasoo Dhaafay.

Aug 31, 2025

Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka jihaada galbeedka qaarada Afrika ayaa soo saartay tirakoobkii howlgalladii ay fuliyeen ciidamada mujaahidiinta bishii Safar ee lasoo dhaafay.

Howlgaalladaan oo xoogooda ka dhacay wadamada Burkiina-Faaso iyo Maali ayaa isugu jiray weeraro toos ah oo cagta lagu mariyay saldhigyo ciidan iyo sidoo kale kuwa qarax ah iyo kamaa’in.

Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligii bishaas gudaheed qaaday 38 weerar oo ubadnaa cagmarino, halka ay fuliyeen ilaa labo weerar oo kamiin ah oo lagu beegsaday murtazaqada Ruushka.

Sidoo kale weerarada qaraxyada ah ayaa iyagana qeyb ka ah howlgalladaasi, waxayna gaarayaa ilaan 26.

Marka la eego natiijada ka dhalatay weeraradaasi ay mujaahidiintu fuliyeen bishii Safar ayaa ah dhimashada 368 askari oo katirsan dowladaha dabadhilifyada ah ee dhaca saaxilka iyo saxaraha qaarada Afrika.

Mujaahidiinta ayaa soo qaniimaystay ilaa 33 gaari halka ay dabqabadsiiyeen 64 kale sida lagu sheegay tirakoobka ay baahisay mu’asasada Al-Zallaqah.

523 isugu jira hub leh nuucyo kala duwan ayeey soo qaniimaysteen mujaahidiinta halka ay gacanta ku dhigeen ilaa 19 askari oo maxaabiis ah.

Allaah fadligii tan iyo markii uu dhashay sanadkaan cusub ee 1447Hijiri Jamaacada Nusratul Ilsaam Wal Muslimiin ayaa sii xoojisay howlgaladeeda iyadoo bishii Muxaram ee lasoo dhaafay dishay inkabadan shan boqol oo askari.