Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimin oo ka Hadashay Weeraradii ugu Dambeeyay ee Ka Dhacay Galbeedka Mali.

Jul 3, 2025

War-saxaafadeed ay baahisay mu’assasada al-Zalaaqah, oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islam wal Muslimin, ayaa lagu shaaciyay in mujaahidiintu ay fuliyeen howlgallo waaweyn oo qorshaysan oo laga fuliyay dhowr magaalo oo ku yaalla galbeedka dalka Mali.

Howlgalladan oo lagu qaaday saldhigyo millatari, xarumo maamul, iyo fariisimo ciidan ayaa si gaar ah uga dhacay magaalooyinka Kayes, Sandire, Nioro, Gangoteri, Djoji, iyo Djiboli, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla dhanka xadka dalka Senegal.

Bayaanka waxaa lagu xaqiijiyay in tobanaan askari oo ka tirsan ciidamada Mali ay halkaas ku naf waayeen, iyadoo hal askari nolasha lagu qabtay.

Sidoo kale bayaanka waxaa lagu xusay in la burburiyay in ka badan boqol gaari iyo boqol mooto oo ay lahaayeen ciidamadii la weeraray, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 11 mooto iyo tiro hub ah oo ay ku jiraan qoryo AK-47 ah, qoryaha culus ee lidka diyaaradaha, hoobiyeyaal, rasaas, iyo agab ciidan oo kale oo badan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, xarunta maamulka gobolka Kayes ayaa gebi ahaanba la burburiyay, iyadoo la baahiyay sawirro muujinaya natiijada weerarradaas iyo khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay.

Mujaahidiintu waxay cadeeyeen in howlgaladani qayb ka yihiin dadaallada ay ugu jiraan xoreynta dhulalka Muslimiinta, ciribtirka gumeystayaasha iyo nidaamyada la shaqeeya, iyo in la hirgeliyo xukun ku saleysan shareecada Islaamka, kaasoo lagu helayo madax-bannaani dhameystiran, cadaalad, iyo nabad waarta.

Howlgaladan ayaa imaanayaa iyadoo xaaladda amni ee dalka Mali ay sii liicayso, islamarkaana gobollada galbeedku ay la kulmayaan weerarro isdaba joog ah oo mujaahidiinta ay ku beegsanayaan saldhigyada maamulka iyo kuwa ciidanka, kuwaasi oo si weyn u wiiqay awoodda millatari ee dowladda ee gobolkaasi.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.