Jake Sullivan “Waxa Suuriya ka Socda waa Natiijada Ficillada uu Sameeyay Al-Asad.

Dec 2, 2024

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in waxa Suuriya ka socda ay yihiin natiijada qaraar ee ficillada uu sameeyay hogaamiyaha dhiigyacabka Suuriya Bashaar Al-Asad.

“Marka la eego masiirka Bashaar Al-asad ee hada waxay dadku midan saadaalinayeen muddo dheer, laakin anaga ma rabno inaan xitaa hada sameyno wax saadaalin ah” ayuu yiri lataliyaha Amniga Mareykanka.

Sida uu daabacay joornaalka Politico Sullivan ayaa dhanka kale ku nuux-nuux saday in Mareykanka uusan qeyb ka ahayn waxa hadda ka dhacaya gudaha wadankaas, haba yaaraateena uusan wax kaalmo ah ku garab taagneen dhinacyada.

Hadalka ninkan ayaa ku biiraya kula kala duwan oo ay maalmihii lasoo dhaafay jeedinayeen masuuliyeen ka tirsan dowladdaha caalamka, xiisada hada ka taagan Suuriya ayaana leexsatay inta badan indhaha warbaahinta qeybeheeda kala duwan, halka dhanka kale uu wali hurayo dagaalka ka socda gudaha Filistiin.

FAAFREEB PRO