Inta badan siyaasiyiinta dabadhilifyada Soomaalida iyo madaxda ugu sarraysa dowladda ridada Soomaaliya ayaa looga yeeray shir ka dhacaya dalka dibaddiisa kaasi oo lagu qorfaynayo mustaqbalka xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti ayaa uyeeray dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubnaha ugu sarreeya kooxda Ridada Soomaaliya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda dabadhilifka Jabuuti ay degmada Carta uqorshaysay in ay isugu geyso Xasan Gurguurte iyo mucaaradkiisa.
Saraakiisha ugu sarraysa golaha isugu yeeray Samatabixinta ayaa lagasoo xigtay in ay casuumaad rasmi ah ka heleen murtad Ismaacii Cumar Geelle ayna usafri doonaan magaalada Carta oo lagu qabanayo shir u eg midkii dhacay 25 sano ka hor halkaas oo dagaal oogayaashii dabadhilifyada ahaa iyo calmaaniyiin lagu kulmiyay lagunasoo dhisay dowlad kumeelgaar ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in murtad Ismaaciil Cumar Geelle uu isku dayayo badbaadinta kooxda Gurguurte oo mustaqbalkeeda siyaasadeed uu ku jiro gudcur madoow maadaama ay hubka isku sitaan siyaasiyiinta ugu magaca dheer kadib markii ay ku heshiin waayeen doorashooyin ku sheegyada.
Warar kale ayaa sheegaya in madaxweynaha Jabuuti uu mucaaradka ku qancinayo aqbalidda qorshe muddo sedax sano ah loogu darayo murtad Gurguurte balse aan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan murtadiinta kale ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Axmed madoobe.
Mar walba oo heer gaba gaba ah uu gaaro muddo xileedka madaxweynaha kooxda Ridada ayay khalalaase iyo hubanti la’aan gashaa xukuumaddan dabadhilifka ah oo sanaddii 2004tii lagusoo camcamiyay xerada doofaarreey emabagaati ee wadanka Kenya.