TPLF oo Beenisay Eedeymo ay Dawladda Xabashida Itoobiya u Gudbisay Qaramada Midoobay.

Oct 10, 2025

Jabhadda Tigray ayaa ganafka ku dhufatay eedaymo loo gudbiyey Qaramada Midoobay oo sheegayay in isbahaysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya ay TPLF la samaystay Eretriya, isla markaana ay qayb ka tahay dagaalka ka socda gobolka Amxaarada.

Jabhadda loo yaqaan Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF ayaa warqad u qortay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyagoo daadafeeyey eedeymaha uu soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos.

TPLF ayaa eedaymahan ku tilmaantay kuwo aan sax ahayn oo siyaasadaysan oo dawladda Xabashida Itoobiya ay uga golleedahay inay ku qariso xad-gudubyada joogtada ah ay mar walba ay ku buriso heshiiskii nabadda ee Pretoria.

“Waa wax aad looga xumaado in halkii ay diiradda saari lahaayeen hirgelinta dhabta ah ee Heshiiska Pretoria, dowladda Federaalka ay u muuqato inay doonayso inay ka weeciso dareenka beesha caalamka iyada oo adeegsanaysa sheekooyin been abuur ah iyo olole sumcad dil ah oo ka dhan ah TPLF,” ayaa lagu yiri warqadda.

War aan sal iyo raad toona lahayn ayay TPLF ku tilmaantay eedaymaha kasoo yeeray maamulka Abiy, ee tilmaamayay in jabhadda mucaaradka Tigrey-gu ay isku diyaarinayso dagaal ka dhan ah Itoobiya iyagoo kaashanaysa Eretriya iyo kooxo kale oo hubaysan.

Warqadda ayaa lagu qiray in uu jiro is-dhex-gal ka dhex bilowday bulshooyinka Tigray iyo Ereteriya, taasina ay mudan tahay in loo aqoonsado tallaabo wanaagsan oo wax dhisaysa oo xagga nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka ah, balse aanay ahayn shirqool iyo colaad hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, bayaankan ay soo saartay Kooxda TPLF, si gaar ah uma uusan soo hadal-qaadin eedeymaha ku saabsan ku lug-lahaanshahooda weerarkii dhowaan ay maleeshiyada Fano ku qaadday magaalada Woldiya ee Gobolka Amxaarada.

Kooxdu waxay ka digtay in maamulka Addis Ababa uu u muuqdo mid isku diyaarinaya dagaal kale oo gobolka ah, kaas oo ay sheegtay inuu wiiqi doono geeddi-socodka nabadda isla markaana uu halis gelinayo amniga, lagana dhaxli doono xasillooni-darro baahsan.