Maleeshiyaadka Fano ee ka hawl-gala gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in hawl-gal ballaaran oo millateri ay ku ekeeyeen guud ahaan gobolka Gojjam, sida uu xaqiijiyay Zinabu Lingerew, oo ah taliye ka tirsan jabhadda Fano.
Hawl-galkan cusub ayaa waaberigii hore ee isniintii shalay si saf ballaaran ah uga bilawday ugu yaraan 18 goobood oo ku yaalla guud ahaan gobolka Gojjam oo ka tirsan deggaanka Amxaarada, walow qaabka hawlgalku uu ku kala duwan yahay meelaha uu ka socdo.
Faano Marshet, oo ah afhayeenka Faano ee Gojjam, ayaa u sheegay warbaahinta Ethiopian Media Services in meelaha qaar si toos ah weerarkaasi loogu qaaday fadhiisimaha adag ee ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin deggaannadaasi.
Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in maleeshiyaadka Fano ay la wareegeen deggaanno hor leh iyagoo xidhay waddada weyn ee loo yaqaan Federal Highway si ay u carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqa ciidamada millateriga ee dowladda Itoobiya.
Jabhaddu waxay sidoo kale sheegteen in goobo kala duwan ay ku qabsadeen hub fara badan, waxaana labadii saacadood ee ugu horreeyey hawl-galka gacanta lagu dhigay ugu yaraan 20 qori oo kuwa fudud ah, inkastoo war madax bannaan aan laga helin khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.
Weerarkan ayaa lagu beegsaday magaalooyin iyo deggaanno ay ka mid yihiin Kuye, Weira, Bichena, Worq Amba, Gozamen, Bibughe iyo Amanuel. Laakiin ma cadda in maleeshiyaadka Faano ay haatan gacanta ku hayaan deggaannadaasi, dowladda federaalkuna ilaa hadda kama aanay hadal.
Geesta kale, dagaallo culus ayaa laga soo sheegayaa deggaannada Gonder, Shawa, iyo Wollo oo dhammaantood ka tirsan gobolka Amxaarada, waxaanay tallaabooyinkani muujinayaan awoodda millateri ee sii kordhaysa ee jabhadda Fano, sida uu maalmo ka hor Anchor Media u sheegay Gaashaanle Sare Mamo Lemma, oo ah falanqeeye militari, horeyna uga tirsanaan jiray ciidamada Itoobiya.
Jabhadda Fano waxay sheegtay in hawl-galkani yahay mid loogu aar-gudayo saraakiil iyo askar Fano ah iyo sidoo kale dad rayid ah oo ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku xasuuqeen weerarro ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiic iyo dilal toos ah oo ka dhacay gobolka Amxaarada.