Jaamacadaha iyo Cisbitaallada Muqdisho oo Diiday in Xarumahooda Lagu Qabto Doorashada Gurguurte.

Dec 16, 2025

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag isaga diiday doorashooyin ku sheegyada ay kooxda Riddada ka abaabulayso degmooyinka gobolka Banaadir.

Bahda waxbarashada ayaa si adag udiiday in goobaha waxbarashada lagu qabto doorashooyin ku sheegyada Xasan Gurguurte iyagoo eedayn kulul ujeediyay Kooxda Ridada kuna tilmaamay mid halis gelinaysa ardayda.

Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen waxay ku dhaleeceeyeen wasiirka waxbarashada kooxda Ridada ninka lagu magacaabo Faarax C/qaadir oo ay ku eedeeyeen in uu goobaha waxbarashada ku qasbayo in lagu qabto doorashooyin ku sheegyada.

Warsaxaafadeed ayaa lagu bayaaniyay khataraha ka dhalan kara in ardayda iyo macallimiinta lagu qasbo doorashooyinkan, jaamacaduhu waxeey soo saareen 7 qodob oo kala ah:

*. Amni darro lyo halis naf Iyo maalba leh:
*. Hakinta iyo carqaladeynta waxbarashada:
*. Ka saaridda dhexdhexaadnimada goobaha wasbarashada:
*. Cadaadis iyo cabsi ku timaadda ardayda, macaliminta iyo maamulka
*. Ku xadgudubka xuquuqda ardayga:
*. Kala qeybsanaan iyo is nacayb bulsho:
*. Saameyn taban oo muddo dheer ah taas oo halis gelin karta jiritaanka jaamacadaha.

Sidoo kale isbitaallada waaweyn ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa iyana iska diiday in xarumahooda lagu qabto doorashooyinka uu cadowgu abaabulayo, arrinkan ayaa muujinaya sida kooxda uu hoggaamiyo xasan Gurguurte wejigabaxa ugala kulantay bulshada.

Bilihiii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka murtadiintu xaafadaha Muqdisho ka wadeen howlgallo raaf ah oo dadka ay ku qasbayeen in ay qaataan kaararka doorashooyinka.