Wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulka Addis Ababa Gaal Gedion Timothewos ayaa shalay mar uu hor-tagay golaha dawaaqiidda ee baarlamaanka Itoobiya wax laga waydiiyey arrimaha Badda Cas iyo tallaabada Yahuudda ee ictiraafka maamulka Riddada Somaliland.
Sida ay xogtu tibaaxayso, wasiirku waa uu ka muquurtay ka hadlidda aqoonsiga Somaliland, wuxuuse carrabka ku adkeeyey in ay jirto dano badan oo ay ka leeyihiin Geeska Afrika, isla markaana aanay dayacayn wixii fursad ah ee soo mara.
Waxuu sheegay, in Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay dalalka gobolka, kaas oo ay sii wanaajin doonaan mustaqbalka dhow, isagoo ka dhawaajiyey in Itoobiya ay sii laba-jibbaartay dedaalladii ay ugu jirtay sidii ay Xeeb ugu yeelan lahayd gobolka.
Xaalka heshiiskii MoU-ga ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, iyo su’aal kale oo ahayd in Itoobiya noqon doonto dalka labaad ee aqoonsada Somaliland iyo in kale ayuu wasiirku dhammaantood ka gaabsaday ka jawaabistooda.
Wuxuu geesta kale tilmaamay in uu sii wanaagsanaanayo xiriirka Itoobiya ay la leedahay deriskeeda, kaas oo abuuri doona ayuu yiri jawaab ku habboon oo lagu gaari karo damaca Itoobiya ee bad-raadiska ah.
Wasiirku waxa uu sidoo kale carabaabay in diiraddu aysan saarnayn oo kaliya dhinaca wacyigelinta, balse hadda ay u gudubtay raadinta siyaabo wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijin karo marin-badeed.
Gaalkan Wasiirka ka ah arrimaha dibadda Itoobiya, waxa uu xusay in ay jiraan goobo ka tirsan mandiqadadda Geeska Afrika oo quwadaha caalamku ay loollan adag ugu jiraan, Itoobiyana aysan jirin sabab ay uga maqnaato, doorkeedana ciyaari doonto.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo wararku ay sheegayaan in RW Itoobiya Gaal Abiy Axmed uu amar ku bixiyey in aan laga hadli karin go’aanka Yahuuddu ay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.