Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay ka laabatay qorshihii muddo dheer la hadal hayay ee ahaa in gaaska dabiiciga ah laga soo saaro dhulka Soomali galbeed, kadibna dhuun looga dhoofiyo dalka Jabuuti si loogu iibgeeyo suuqyada caalamka.
Qoraal rasmi ah oo lagu faahfaahiyay warbixinta Ethiopian Energy Outlook 2025 ayaa lagu xaqiijiyay in mashruucaasi la hakiyay, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda tamarta Itoobiya.
Go’aanka dowladda Itoobiya ayaa lagu sababeeyay caqabado dhinaca maalgelinta ah iyo dib u dhacyo baahsan oo ku yimid hirgelinta mashruuca, gaar ahaan dhismaha dhuunta LNG-ga ee loogu tala galay in gaaska laga dhoofiyo Jabuuti.
Tani ayaa siiragal ah iney sii xumeyso cilaaqaadka Jabuuti iyo Itoobiya, maadaama xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle ay rajo ka qabtay iney macaash fiican kasoo xareyso qorshahan ay ku fashilantay dowladda xabashida Itoobiya.
Sidoo kale xukuumada Abey Axmed ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa sidii ay u xayuubsan lahayd kheyraadka dalkan Soomaaliya, maadaama dhulka Soomaali galbeed uu yahay mid kheyraadkiisa aanan lasoo koobi karin nasaarada Itoobiyana kusoo jira Tobaan sano.
FAAFREEB PRO