Itoobiya: Badda Soomaaliya Waa Xalka Baahida Malaayiinta Itoobiyaanka ah.

Dec 1, 2025

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa weli sii wadda in ay faafiso aragtiyadeeda guruucan ee ku dhisan sidii ay mar uun ula wareegi laheyd badaha geeska Afrika.

Itoobiya: Badda Soomaaliya Waa Xalka Baahida Malaayiinta Itoobiyaanka.

Warbaahinta Xabashida iyo macaahidda ay gacanta ku hayso xukuumadda Abiy Axmed ayaa billaabay, in ay qaadaan olole ay ku taageerayaan ajandayaasha xukuumadda Addis Ababa ee ah in Itoobiyaanku qabsadaan badda Soomaaliya.

Machadka cilmi-baarista iyo amniga qaranka Itoobiya ayaa baahiyay warbixin lagu sheegay in badda dheer ee Soomaaliya ay noqon karto halka lagu xallin karo baahida malaayiin qof Itoobiyaan ah ay uqabaan marin biyood.

Warbixinta uu daabacay machadka cilmi baarista Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xasan Gurguurte madaxa kooxda Riddada Soomaaliya uu la dhacsanyahay rabitaanka Abiy Axmed ee ku qotoma biyo u helidda malaayiinta xabashida ee ku dhaqan geeska Afrika.

Dabayaaqadii sanaddii 2024 ayay ahayd markii Xasan Gurguurte magaalada Ankara ee dalka Turkiga Abiy Axmed ugu saxiixay in uu qaato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.