Itoobiya oo ku Adkeysanaysa sii Wadista Mashaariicda ay ka Fulinayso Biya Xireenka Niil.

Oct 28, 2025

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa si caro leh uga jawaabtay war dhawaan si wadajir ah uga soo baxay Midowga Yurub iyo dowladda Masar kaasoo looga hadlay arrimaha biya xireenka Niil.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub iyo Masar ay dafirayaan xuquuqda ay Itoobiya ku leedahay inay ka faa’ideysato biya xireenka Niil.

Itoobiya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in Midowga Yurub uu doonayo inuu Itoobiyo duudsiiyo xaqqa ay u leedahay inay mashaariic hormarineed kaga faa’ideysato biya xireenka wabiga Niil.

Warka kasoo baxay Itoobiya ayaa lagu yiri inay ka go’an tahay inay mashriic hormarineed ay kaga faa’ideystaan biya xireenka Niil, iyagoona sheegay inay arrintaasi aysan cidna u joojin doonin.

Dhawaan ayey ahayd markii war murtiyeed siwada jir ah uga soo baxay Midowga Yurub iyo Masar lagu dhaleeceeyey Itoobiya, iyadoona lagu tilmaamay tallaabooyinka Itoobiya mid khal-khal amni ka dhex abuuri kara Masar iyo Itoobiya.

Dowladda xabashida Itoobiya ayaa dhawaan biya xireen weyn ka sameysay wabiga Niil, taasoo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda Masar oo xiisad kala dhaxeeysa Itoobiya.