Kadib weerarro ba’an oo bilihii ugu dambeeyey si weyn loogu wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya ee dagaalka kaga jira gobolka Amxaarada, ayuu si weyn uga qaylo-dhaamiyey maamulka Abiy Axmed, waxaanu warqad cabasho ah u dirsaday urur-gaalleedka Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa ku eedaysay dowladda Ereteriya iyo Jabhadda Tigreyga ee TPLF inay iska kaashanayaan dagaal ka dhan ah Itoobiya, isla markaana ay ku lug lahaayeen weerar dhowaan ay maleeshiyada Fano ku qaadday magaalada Woldiya ee gobolka Amxaarada.
Warqad ku taariikhaysnayd Labadii bishan October oo loo diray Xoghayaha Guud ee urur-gaalleedka Qaramada Midoobay António Guterres, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya gaalka lagu magacaabo Gedion Timothewos uu ku sheegay in iskaashiga Ereteriya iyo TPLF uu si weyn u soo shaac-baxay bilihii lasoo dhaafay, haatanna ay ku gudo-jiraan u diyaar-garowga dagaal ka dhan ah dawladda Xabashida Itoobiya.
Waxa uu wasiirka ka sanqariyey in labadan dhinac ay samaysteen isbahaysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya, kuna hawlan yihiin maal-gelinta, abaabulidda, iyo jihaynta kooxaha hubaysan ee ka dagaallama gudaha Itoobiya sida jabhadda Fano ee ka hawl-gasha gobolka Amxaarada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in taliyeyaal iyo dagaalyahanno ka tirsan Kooxda TPLF ay si toos ah uga qayb qaateen weerarkii dhowaan ay maleeshiyada Fano ku qaadday magaalada Woldiya, oo ah magaalo weyn oo ku taal gobolka Amxaarada.
Sida ku cad warqadda, Ereteriya ayaa lagu eedeeyey inay tahay abaabulaha ugu weyn ee hurinaya dagaallada ka socda gudaha Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in maamulka Asmara uu taageero dhaqaale, saanad militari iyo mid siyaasadeedba ku bixiyo si xasillooni-darro iyo kala-qaybin looga abuuro gudaha Itoobiya.
Qaylo-dhaantan kasoo yeertay maamulka Abiy Axmed ayaa imanaysa xilli usbuucyadii lasoo dhaafay jab xooggan la gaarsiiyey ciidanka Xabashida Itoobiya isla markaana maleeshiyaadka Fano ay kala wareegeen talisyo waaweyn iyo magaalooyin badan oo istaraatiijiya oo ku yaal gobolka Amxaarada.