Iska hor’imaadyadan oo u dhaxeeya maleeshiyaad taabacsan maamul maqaar-saar ah oo dalkaasi ku magacaaban iyo kooxo kale oo hubaysan ayaa xooggoodu ay ka socdaan koonfurta iyo waqooyiga caasimadda.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalladaasi oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dagaalkan ayaa si rasmiya u qarxay maalinimadii shalay, kadib markii Isniintii lasoo dhaafay la khaarajiyey CabdulQani Al-Kiikli oo ahaa madaxii hey’adda la baxday taageerada iyo xasilinta.
Intii dagaalku socday, afar degmo oo ka tirsan caasimadda ayaa hakiyay dhammaan howlaha shaqo iyo waxbarasho, iyadoo sidoo kale la hakiyey duullimaadyadii garoonka diyaaradaha Miitiga ee bariga Daraabulis.
Sida ay tebinayso warbaahintu, dagaalka ayaa u muuqda mid ku baahay magaalada, waxaana jira hoobiye ku dhacay xaafad ku taalla deegaanka Al-Sabaa oo dhaca koonfurta magaalada.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in maxaabiis fara badani ay ka baxsadeen Xabsiga Al-Jadiida, kadib markii iska hor’imaad ka dhacay agagaarka xabsigaasi.
Liibiya ayaa u muuqata mid cagaha lasii gashay qolqolatooyin hor leh, iyadoo muddo badan la daalaa-dhacaysay xasillooni darro amni oo xooggeedu soo bilaabantay 2011-kii, xilligaas oo ahayd markii xukunka laga tuuray mujrimkii weynaa ee Mucamar Al-Qadaafi.