Iska Hor’imaad Udhaxeeya Maleeshiyaadka Murtadiinta oo Ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Nov 23, 2024

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in iska hor’imaad culus uu halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Jubbaland iyo maleeshiyaad kale oo daacad u ah kooxda Ridada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in israsaaseyn xooggan laga maqlay agagaarka hotelka Agan halkaas oo ay deganyihiin inta badan musharixiinta latartami doono Axmed Madoobe.

Ugu yaraan 1 ruux ayaa ku dhintay iska ho’imaadka halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Axmed Madoobe ay weerar toos ah ku qaadeen gaari uu lahaa Senetor Ilyaas Gaboose oo dhowaan Muqdisho ka tagay islamarkaana ah musharax taabacsan dhanka kooxda Ridada.

wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ilyaas Gaboose uu weerarka ka badbaaday waxaana weli Kismaayo laga dareemayaa xiisado colaadeed oo udhaxeeya dhinacyada isku hardinaya hoggaaminta mamaamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland.