Garabka Debretsion ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan, maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex Jeneraal oo militariga ka tirsan, kuwaas oo taageerayay kooxda TPLF ee mucaaradka ah.
Getachew Reda, madaxweynaha maamulka ku meel gaadhka ah ee gobolka Tigray, ayaa shalay ku dhawaaqay in koox ka kooban saraakiil ciidan ay sharciga gacmahooda ku qaadanayaan oo ay burburinayaan wax uu ku sheegay haykalka dawladnimo ee gobolka Tigray.
Wararka laga helayo deggaanka ayaa sheegaya in kooxda Debretsion ee ka amar qaadata General Masho Beyene ay shalay la wareegeen maamulka iyo guud ahaan xafiisyada magaallada Adigrat. Mana cadda in la xir-xiray ama la laayay xubnihii maamulka KMG ah ee magaallada.
“Khasaaro badan ayaa ka dhacay Adigudom iyo qeybo ka mid ah Maqalle. Rabshadahan ayaa qayb ka ah qorshe lagu doonayo in koox sharci-darro ah oo TPLF ah lagu dhejiyo kursiga, tallaabadaas oo si buuxda uga burinaysa rabitaanka shacabka Tigrayga iyo heshiiska Pretoria.” Ayuu yiri Getachew Reda.
Getachew ayaa sidoo kale ku andacoodey in ciidamo loo badinayo inay yihiin kuwa Eretriya ay ku lug leeyihiin falalka kooxda Debretsion ee Adigrat iyo qaybaha kale ee gobolka Tigray.
“Waxaa hubaal ah in xoogagga dibaddu ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan dhibaatooyinkan si ay u kordhaan rabshadahu, una saameeyaan gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan.” ayuu yiri Reda.
Warar aan la xaqiijin oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisu ay ku go’doonsan yihiin magaalada Maqalle. Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaan ilaa hadda ka hadal xaaladda ka taagan gobolka Tigray.