Iran oo Saraakiisha Ciidankeeda Faylaqul Qudus Kala Bexeyesa Suuriya.

Dec 7, 2024

Joornaalka New York Times ayaa daabacay warbixin ka hadleysa amar kasoo baxay Iran oo ay ku daad-gureyneyso hogaamiyayaasheeda militariga iyo masuuliyiin kale oo fara badan oo ku sugan Suuriya.

Sida xogta majaladu ay tibaaxeyso Tehran ayaa tan shalay wada dhaqdhaqaayo ay gudaha Suuriya kaga saaraneyso hogaamiyeesheeda militari ee muhiimka ah, si aysan u galaafan hardanka ka dhax socda kooxaha mucaaradka iyo nidaamka Bashaar Al-Asad.

Iran ayaa sidoo kale daakhilka Suuriya kala bexeysa madaxda sare ee ciidamada Faylaqul Qudus kuwaa oo hada afkooda loo jiheeyey dhanka Ciraaq iyo Lubnaan, waxay sidoo kale Terhan gudaha Suuriya ka saaraneysaa Dublamaasiyiinteeda, qoysaskooda iyo rayidka Iraniyiin ah.

Dadkan ayey Iran u daad guureyneysaa Laba nuuc oo kala ah iney diyaar ku qaado oo ay ka dajiso garoomada Ciraaq, Lubnaan iyo Tehran, ama in dhanka badda la safarsiiyo iyagoo lasii marinayo dhanka dekedda Al-Laadiqiyah.

Waxaa intaasi sii dheer oo ay warar isku mid ah kasoo bexeen dhamaan hay’adaha UN-ka oo amar ku bixiyey in shaqaalohooda ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga soo qalab qaataan gudaha Suuriya, maadaama xaaladu ay sii cakirmeyso mucaaradkuna ay sii taqadumayaan marba marka kasii dambeysa.

Ciraaq iyo Urdun iyaguna muwaadiniintooda waxay ugu baaqeen iney isaga soo baxaan gudaha Suuriya, waliba iyagoo lasoo xariiraya safaaradohooda si loo soo saaro iyagoo amaan ah, Ruushka ayaa kasii horeeyey oo isagana muwaadiniintiisa ugu baaqay kasoo bixista Suuriya.

FAAFREEB PRO