Iran oo si cad u Sheegtay in Natanyaahu Uusan Awoodin Qaadista Talaabo uu ku Burburiyo Xarumaha Nukliyeerka.

Apr 21, 2025

Mid kamid ah xubnaha ugu sareeya xukuumada Tehran ayaa sheegay in yuhuudu aysan wax awood ah u lahayn burburinta xarumohooda Nukliyeerka.

Sida uu nashriyey joornaalka Pravda isagoo soo xiganaya wareysi uu qaaday Tv-ga RT ee Ruushka, wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay inaysan yuhuuda awood buuxda waqti xaadirkan u lahayn inay burburiso xarumahooda nukliyeerka, si walba oo uu hanjaab hawada usoo mariyo Binyamin Natanyaahu.

“Way ogtahay Israa’iil inaysan gaari karin xarumaha nukliyeerka Iran, haddii ay og yihiin inay sameyn karaan waqti hore ayay iskudayi lahaayeen, balse taa ma aha wax ay sameyn karaan.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iran.

Isgoo hadalkiisa sii wata ninkan ayuu sheegay in Mareykanku isaguna uusan talaabadan usoo bareeri doonin waxa uuna yiri “Waxay ila tahay in Maraykanku aanu sidan oo kale halis u gelin doonin qaadista talaabadan ah inuu burburiyo xarumeheena Nukliyeerka”.

FAAFREEB PRO