Iran oo Lagu Waramayo Iney Xoojisay Awooda Maleeshiyaatkeeda ku Sugan Suuriya.

Nov 20, 2024

Sida lagu waramayo xukuumada Tehran oo mudooyinkaan dambe uu loolan adag kala dhexeeyo maamulka yuhuuda ayaa go’ansatay iney sii xoojiso awooda maleeshiyaatkeeda ku sugan gudaha Suuriya, waana sida ay soo tabinayaan qaar kamdi ah saxiifadaha kasoo baxa bariga dhexe.

Maleeshiyaatkan ayaa la xusay in mudooyinkan dambe ay si aad ah u beegsanayaan maamulka yuhuuda masaalixdiisa iyo xarumaha ciidan ee mareykanka uu ku leeyahay gudaha Suuriya.

Mid kamid ah hay’adaha ka howgala daaqilka Suuriya ayaa kuwaramaya in sanadka 2024 ay kooxaha ay Iran taageerto ay weerareen saldhigyada Mareykanka ee Suuriya ilaa 89 mar oo kala duwan, taasoo ilaa hada badanaa aysan shaacin xukuumada Washington.

FAAFREEB PRO