Iran oo Lagu Eeedeeyey Iney Kordhisay Keydka Uranium-teeda.

Dec 18, 2024

“Iran oo lagu eedeeyay inay korortay kaydka uranium-ta waliba heerar aan horay loo arag” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska.

Sida lagu waramayo dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku eedeyay Iran inay sare u qaaday  kaydkeeda Uranium-ta tallaabadaa oo ay ku sheegeen mid sharci darro ah halisyo dhowr ahna ay ku gadaamanyihiin.

Saddexda waddan ayaa bayaan ay si wada jir ah usoo saareen saacadihii lasoo dhaafay ka hor kulanka golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay uga hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ku sheegay, in Iran ay ku qasban tahay inay hoos u dhigto kororkan balaaran ee ku yimid keedkeeda Uranium-ta.

Dhanka kale safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka jawaabay hadalka saddexdan dal ayaa ugu hanjabay in haddii ay dib ugu soo rogaan cunaqabatayn Iran, ay la kulmi doonaan qalalaasooyin halis galin doona mustqabalkooda.

Gabagabadii jariiradu waxa ay sheegeysaa in Iran ay si aad ah u tayeysay keydkeeda Uranium-ta, ilaa ay noqotay dalka kaliya ee aanan heysan hubka Nukliyeerka hadana keydiyey Uranium gaareysa boqolkiiba 60%.

FAAFREEB PRO