Iran oo ku Howlan Sameysiga Gantaal Nuuca Lagu Xiro Madaxyada Nukliyeerka.

Feb 4, 2025

Iran ayaa ku howlan sameysiga gantaaladda nuuca jara masoofooyinka fog fog ee lagu rakibo madaxyada Nukliyeerka.

Sida uu baahiyey joornaalka The Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska xukuumada Tehran ayaa hadda sameynaysa gantaallo riddo dheer si gaar ahaaneed kuwa lagu xirayo madaxyo hubka wax laaya ee nukliyeer ah, midan ayaana noqotay talaabo dhawaan ay kusoo baraarugeen galbeedka.

Xogta jariirada ayaa intaasi ku dareysa in gantaaladan ay sameyskooda ku howladantahay dowladda Iran halkii mar ay jari karaan masoofo gaareysa ilaa 3,000 km, waxaana midan Tehran garab ku siinaya xukuumada Kuuriyada Woqooyi oo ay kawada simanyihiin naceybka siyaasada iyo danaha reer yurub.

Waxaana gunaanudkii lagu waramayaa in Iran hadii sida ay dooneyso uu ugu soo dhamaado geedigeedan ay ku sameysaneyso ganataalladan ay awood u yeelan doonto iney weerarro ka fuliso gudaha dhulka sahaayinada iyo caasimadaha galbeedka ugu waaweyn.

FAAFREEB PRO