Dowladda Shiicada ah ee Iran ayaa maanta shaaca ka qaadday khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay iyaga iyo maamulka gumaystaha Yahuuda bishii la soo dhaafay.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Iran ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay gudaha Iran ay haatan kor u dhaaftay 1062 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 102 dumar ah iyo 38 carruur ah.
Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Yahuuda ay 13-kii Juun qaaday weeraro culus oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo nukliyeer ah oo ku yaalla Iran, kuwaasoo ay kamid ahaayeen xarumaha Fordo, Natanz iyo Isfahan, kuwaasi oo sababay dhimashada saraakiil sare oo militari iyo cilmi-baarayaal ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Iran ayaa si kulul uga jawaabtay weerarka, iyada oo billowday weerarro ballaaran oo ay ku qaaday goobo milatari, xarumaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo qaar ka mid ah magaalooyinka ku hoos jira gumaysiga Yahuuda, iyadoo adeegsatay tiro badan oo gantaallo ah.
Dawlada Saliibiyada ah ee Maraykanka ayaa 22-kii Juun si rasmi ah uga qeyb qaadatay dagaalka, kadib markii ay duqeeysay xarumo muhiim ah oo nukliyeer ah oo Iran leedahay, arrintaasoo sii hurisay xiisaddii militari.
Dhanka Iran waxaa ay qaaday jawaab celin degdeg ah, iyadoo 23-kii Juun duqeysay saldhigga milatari ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, iyada oo adeegsatay 14 gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn ee drones-ka kuwaasi oo ay ku beegsatay saldhigyo American ah oo ku yaalla gudaha dalka Ciraaq.
Inkasta oo weerarka Iran uu ahaa mid weyn, hadana sarkaal American ah ayaa xaqiijiyay in aan wax khasaaro nafeed ah laga diiwaangelin weerarkaasi, wuxuuna sheegay in Washington si horudhac ah u ogaatay weerarka isla markaana qaaday talaabooyin amni.
Si lama filaan ah, madaxweynaha Mareykanka gaalka lagu magacaabo Donald Trump ayaa saacado kadib ku dhawaaqay xabad-joojin rasmi ah oo u dhaxaysa Iran iyo maamulka Sahaayinada, taasoo soo afjartay dagaal 12 maalmood socday oo aan hore loogu arag labadan dal dhexdooda.
Dagaalkii Iran iyo Yahuuda ayaa u muuqda mid kaliya xaalkiisa la qaboojiyey maadaama saadaalinadu ay sheegayaan in waqti walba uu dib u qarxi karo, sababtuna waa in dhicyada goodisyadooda ay wali halkooda kasii socdaan Irana ay dib u bilowday geedigeedii sameysiga hub Nukliyeer ah.
FAAFREEB PRO