Inka Badan 70 Guri oo ku Basbeelay dab Xooggan oo ka Kacay Magaalada Nairobi.

Oct 25, 2025

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo yaab leh oo laba cisho ka hor ka dhacday mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku basbeeleen inka badan 70 guri.

Dabka ayaa si gaar ah uga kacay xaafadda Waruku ee ka tirsan deegaanka Westlands ee ismaamulka Nairobi, ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo wariyay in dabku ka dhasheen khasaare maaliyadeed oo xooggan.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in dabku kacay xilli badi dadka deegaanka ay hurdeen, lama soo werin inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxaa la xaqiijiyay in dabkan ay ku shufbeeleen dhismeyaal badan oo kor u dhaafaya 70 guri.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya oo soo xiganaysa qof goobjooge, waxay sheegtay in dabku ka bilowday mid ka mid ah guryaha aan rasmiga ahayn ee kuyaal xaafadda, isagoo si deg deg ah ugu gudbay dhismayaal kale, halkaas oo uu baabi’in daran ka gaystay.

75 guri oo kuyaal xaafaddaas ayaa burburtay, si rasmi ah looma shaacin waxa sababay dabka, wallow wararka qaar ay sheegayaan in dabku ka dhashay cillado koronto oo ku yimid mid ka mid ah guryaha kuyaal xaafadda uu dabku ka kacay ee magaalada Nairobi.