Shil xooggan oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa maanta ka dhacay ismaamulka Kericho ee dalka Kenya, kaddib markii ay isku dhaceen laba gaari oo marayay waddo aad u mashquul badan.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya waxay sheegtay in shilka gaari uu yimid markii gaari Bas ah oo ay dad rakaab ah saarnaayeen uu ku dhacay baabuur xamuul ah oo marayay deegaanka Tunnel ee kuyaal waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Londiani iyo Muhoroni.
Shilkan baabuur waxaa inta la hubiyay ku dhintay ugu yaraan lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayen rakaabka gaariga Baska halka qofka lixaad na uu ahaa darawalka Baskaasi, soddon qof oo kale ayaa lasoo wariyay in ay dhaawacyo culus soo gaareen, kuwaas oo loola cararay isbitaallo kuyaal magaalooyinka Londiani iyo Fortenan.
Ugu yaraan 13 xubnood oo kale ayaa lasoo wariyay inay gaareen dhaawacyo fudud, qaar kale oo aysan waxyeello xooggan soo gaarin ayaa jira oo xarumo caafimaad la geeyay oo la daweeyay kaddib na la fasaxay.
Saraakiisha ciidanka booliiska waxay sheegeen in baaritaanno ku saabsan dhacdadan la billaabay si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay shilka, dhacdadan waxaa sidoo kale ka dhashay burburka gaadiidka isku dhacay.