In Kabadan 12,000 oo Filistiiniyiin ah oo Labuka Caafimaad Darro iyo Dhaawacyo.

Dec 22, 2024

Halista ay ku suganyihiin bukaano fara badan oo reer Qaza ah iyo tirakoob hor leh oo la sameeyey saacadihii lasoo dhaafay.

Sida uu daabacay joornaalka Le Monde ee kasoo baxa dalka Faransiiska waxaa halis ku jira bukaano fara badan oo Filistiiniin ah kuwaas oo hada la jiifa dhaawacyo kala duwan misana weysan daawooyin tayo leh iyo goobo caafimaad oo qalabkoodu uu isku dheela tiranyahay.

Marka laga soo tago Tobaneeyada dhaawacyada halista ah u dhintay tan iyo bilowgii dagaalka, waxaa lagu waramayaa in xaaliyan ay gudaha Qaza ku suganyihiin In ka badan 12,000 oo qof oo bukaan ah kuwaas oo hada looga cabsi qabo in sidan ay naftooda ku waayaan, waana sida jariiradu ay kasoo xigatay tirokoob ay sameysay hay’adda caafimaadka ee WHO.

Xukuumada Binyamiin Natanyaahu ayaana ilaa hada wali hortaagan wax walba oo dawo ah oo gali lahaa marinka, iyadoona taa badalkeed halkaas ka wada duqeymo xoogan oo dhulka sii galinaya haraadiga goobaha caafimaad ee marinka.

FAAFREEB PRO