in ka Badan 50% Dhalinyarada Mareykanka oo ku Raja Weyn ku Biiridda Muqaawmaada Filistiin.

Sep 3, 2025

Sida uu baahiyey wargeyska New York Post, warbixin ay si wadajir ah usoo saareen Jaamacadda Harvard iyo Harris Institute ayaa shaaca ka qaaday isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dhalinyarada Mareykanka ee ku aadan xasuuqa yuhuuda ay ka wadaa gudaha marinka Qaza.

Baaritaankan ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 60 dhalinyarada Mareykanka ee ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 24 ay taageersan yihiin kooxaha muqaawamada Filistiin, halkii ay xukuumada Washington fileysay iney garab istaagi doonaan maamulka gumeystaha yuhuuda.

Tani ayaana ku tilmaamay isbadal aan horay loo arag oo ku yimid aragtida dhalinyarada Mareykanka, “aragtidaan cusub waxay ka duwan tahay siyaasadii hore ee Mareykanka ee ku dhisneyd taageerada buuxda ee Israa’iil, waxayna muujinaysaa in jiilka cusub ay leeyihiin aragti ka duwan tii hore ee waalidiintooda” ayaa lagu qoraalka warbixinta.

Maxay dhalinyaradu ugu arkaan muqaawamada Filistiin mid taageero mudan? su’aashan ayey inta badan gorfeyn ku sameynayaan shaqsiyaadka odorosa arrimahan, waxayna jawaabta ka dhigeen “waa suuragal iney u arkaan dhalinyaradu in kooxahan ay yihiin kuwa cadaalada u dagaalamaya oo kasoo horjeeda dulmiga”.

Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in isbedelkan ku yimid dhalinyarada Ameerikaanka ah in uu saamayn ku yeelan karo doorashooyinka soo socda ee Mareykanka, gaar ahaan siyaasadaha dibadda ee dalkaas, madaxda mustaqbalka ayaana laga yaabaa inay la kulmaan cadaadis kaga imaanaya dhalinyarada.

Waxa kale oo iyana muhiim ah in la ogaado in taageerada kooxaha muqaawamada Filistiin aysan ku koobnayn oo keliya dhalinyarada balse ay xitaa waxaa isbedeley aragtida dadka waaweyn ee Mareykanka, marka laga hadlayo xasuuqa ba’an ee ay yuhuudu ka wadaan dhulka Filistiin.

FAAFREEB PRO