Ugu yaraan 321 qof ayaa ku geeriyooday roobab mahiigaan ah oo khamiistii ilaa jimcihii lasoo dhaafay ka da’ayay waqooyiga dalka Pakistan sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hey’adda musiibooyinka oo shalay sabtidii la hadlay warbaahinta.
307 qof oo ka mid ah dadka geeriyooday waxay musiibadani ku haleeshay gobolka buuraleyda ah ee Khaybar Pakhtunkhwa oo dhaca waqooyi-galbeed Pakistan, iyadoo inta kalena kasoo kala jeedaan gobolka GilgitBaltistan iyo deggaanno ka tirsan Kashmir.
Inta badan dadkani waxay ku dhinteen daaddad soo rogmaday, dhul-go’ iyo guryo dumay, iyadoo dadkaasi ku naf-waayay daaddadka ay ku jiraan 15 haween ah iyo 13 carruur ah. Waxaanay wararku ay intaasi ku darayaan in ugu yaraan 23 qof oo kalena ay dhaawacmeen.
Maamulka gobolkan ay masiibada ugu badani ka dhacday ayaa ku dhawaaqay in roobabkani ay saameyn ba’an ku yeesheen degmooyinka Buuralayda ah ee Buner, Bajaur, Swat, Shangla, Mansehra iyo Battagram.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha, oo ka baxsaday daadka kusoo rogmaday Buner, ayaa tilmaamay in uu arkayay daadad wata dhagaxyo fara badan oo soo daadanaya.
Boqolaal ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa weli dad nool ka baadi-goobaya degmada Buner, oo ka mid ah dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo jimcihii si weyn ay uga da’een roobab mahiigaan ah.
Sarkaal ka tirsan booliska deeggaan lagu magacaabo Imtiyaaz Khan, oo si dirqi ah uga badbaaday daaddadkaasi, ayaa sheegay in daaddad sitay boqolaal dhagaxaan ah ay daqiiqado gudahood ku burburiyeen dhulkana ku simeen 60 ilaa 70 guri.