Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay weerarkii ay Shabaabul Mujaahidiin saaka kula jarmaadeen maleeshiyaad ku sugnaa duleedka degmada War-Sheekh ee wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellaha dhexe.
Weerarkan ayay Mujaahidiintu cagta ku mariyeen 4 saldhig oo maleeshiyaadka Ridada Gurguurte ay ku lahaayeen deggaanada Jabad-Godane, Ruun-sheekhow, Shaasqaad iyo Burka-kaah.
Deggaannada ay saldhigyadani ku yaallaan oo dhamaantood dhaca duleedka degmada Warsheekh, ayay weerar xasmin ah kadib Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heyntooda.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawc oo weerarkaasi lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka Kooxda Ridada Soomaaliya.
Ilaa hadda inta la xaqijiyey, ugu yaraan 21 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka calool-uusta ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka 11 askari oo kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale Mujaahidiinta waxay weerarradaasi saaka dhacay kula wareegeen saanad millateri oo aad u fara badan oo isugu jirta hub iyo gaadiid dagaal.
Sidoo kale, ciidamada Mujaaahidiinta waxa kale oo dhirbaaxo kulul ku dhufteen maleeshiyaad gurmad ahaa oo kasoo baxay degmada Warsheekh.
Maleeshiyaadkan gurmadka ahaa ayaa sida la xaqiijiyey ku dhacay kamiin ay u diyaariyeen Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Askar fara badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu dilay kamiinkaasi, sidoo kalena looga furtay gaadiid dagaal.
Mar kale hooos ka daawo sawirrada weeraradii saaka ka dhacay duleedka Warsheekh.
Halkan ka daawo sawirrada oo PDF ah.
