In ka Badan 20 Qof oo laga helay Xabaal Wadareed Laga Qoday Dalka Liibiya.

Jan 16, 2026

Xabaal wadareedyo ay ku aasan yihiin dad tahriibayaal ah ayaa laga helay beer ku taalla magaalada Ajdabiya, ee gobolka Cyrenaica ee dalka Liibiya ee dhaca waqooyiga qaarada Afrika.

Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegay in tirada laga helay xabaasha ay gaareyso 21 qof, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la shaacin dalalka ay kasoo kala jeedaan, hasa yeeshee la rumaysan yahay in ay ka yimaadeen dalal kale duwan oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in sidoo kale beerta laga dhax helay dad kale oo nool, kuwaas oo ku xirnaa gudaha beerta, islamarkaana la irdarnaan dhibaatooyin caafimaad, iyadoo loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Ardabiya.

Illo maxalli ah ayaa sheegay in falkan lagu tuhunsan yahay hal qof, kaasi oo la sheegay inuu horey xabsi u soo marey, iyadoo aaney weli la xaqiijin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa inuu ku kaco falka nuucaan ah.

Qaarada Afrika oo leh muhiimad istiraatiiji ah, islamarkaana ay ku hardamayaan quwadaha caalamka, ayaa hadana dhalinyaradeedu iyaga oo nolol raadis ah gelinaya naftooda qataro waaweyn, waxaana aad u yar, islamarkaana naadir ah in qofka uu gaaro hadafkii uu u tahriibay.

Dhacdooyinkan oo kale ayaa marar badan laga diiwaangeliyay dalal dhowr ah, halkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo tarhriibayaal ah, iyadoo kuwa kale ay la kulmaan tacdiib iyo caburin, halka qaar kale dib loogu soo celiyo halkii ay ka tahriibeen.

FAAFREEB PRO