Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin, ayaa saacadihii lasoo dhaafay fulisay weerar aad u xoogan oo lagu beegsaday murtazaqada Ruushka ee Maali iyo maleeshiyaat katirsan xukumada ridada Burkiina Faso.
Halyeeyo katirsan mujaahidiinta ayaa weerar dhabagal ah u dhigay kolonyo ay lasocdeen oo ku socdaalaysay inta u dhaxaysa deegaanada Markala iyo Siirbaala ee gobolka Sayguu.
Allaah fadligii dagaal xooggan kadib, waxaa mujaahidiinta u suuragashay in ay dab qabadsiiyeen sideed kamid aha gaadiidku isticmaalayay oo ay ku jiraan kuwa gaashaamaan.
Sidoo kale waxaa Allah fadligii mujaahidiinta ay howlgalkaasi ku dileen ilaa 11 askari oo isugu jira murtazaqo iyo sidoo kale maleeshiyaat katirsan dowlada Maali.
Mu’asasada Azallaqah ayaa dhankeeda faafisay sawirro ku aadan qaniimadii ay mujaahidiintu kasoo furteen cadowgaasi isugu jiray saliibiyiinta iyo murtadiinta.
Nusratul islaam Wal Muslimiin waa faraca mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Maqribul islaami, waxayna mudooyinki dnabe ay sii kordhisay howlgaladeeda, sanadkii lasoo dhaafay ayeyna kaliya galbeedka Afrika ka fuliyeen weeraro lagu dilay kumanaan askari.